top of page
Search

SHAN TALLAABO, OO AAD KU OGAAN KARTO HIBOOYINKAAGA!

  • Ibrahim-waberi
  • Feb 6, 2018
  • 7 min read

Ugu horreyn, waa maxay hibadu?

“Hibadu, waa wax aad jeceshay sameynteeda iyo ka mid ahaanshaheeda, haddii aad ku dadaasho, oo aad horumarisana aad is leedahay dadkaba waad ugu wanaagsanaan kartaa”

“Hibadu maaha wax aad caannimo ama lacag ku raadinayso, ee waa wax ay naftaadu ku raaxaysanyso, lagana yaabo mustaqablka haddii aad joogteyso tayaynteeda, in aad caan iyo maalqabeenba ku noqoto, kaligeed”

“Waxa laga yaabaa waxa aad baratay iyo waxa aad ka shaqeyso labaduba in aysan hibadaada xidhiidh la lahayn, laakiin si gaar ah aad iyada ugu hawlantahay, iyadoon wax nafci ahi kaasoo galayn, waayo waad jeceshahay. Waxa se ugu habboon marka shaqadaada iyo wax barashadaaduba ay yihiin isla hibadaadii; sidaa daraaddeed ayay habboontahay, qofku in uu goor horaba isku hawlo, barashada naftiisa iyo helidda hibadiisa…”

Dhawr arrimood ayaa kaa caawin kara in aad wax ka ogaato hibooyinkaaga. Ugu horreyn waa in aad ugu talo gasho sixidda iyo sugidda kaalinta aad ku habboontahay, haddii aad u hawl gashana, aad ka midha dhalin karto.Waxa ka mid ah tallaabooyinkaas:

1. Akhris-ka badan, ee loo meel dayo. Markasta, oo aad ogaato sababta aad wax u akhrido, si gaar ahna majaalka aad markaa wax ka akhrinayso, waxa dhadhan iyo macne kuu yeelanaya akhriska, waxaanaad ogaanaysaa, mawaadiicda marka aad akhrinayso aad si gaar ah u jeceshay, dhakhsana wax uga fahmi ogtahay. Bilawga akhriska, si aad caado uga dhigato wax kastoo kuu dhib yar waad akhriyi kartaa, mid walbana aqoon iyo xog ayaad ka heli maskaxda keyd kuugu ahaada, waxa se jira dadka qaar in ay sidaas u maleeyaan akhriska gabi ahaantiisaba, mid bilaa ujeed iyo bilaa qorshe ah.

Akhrisku waa in uu ahaadaa mid nidaam iyo qaab leh, oo aad kala taqaan maanta buugga aad akhriyayso iyo sababta aad u akhriyayso, bishan inta buug ee aad rabto in aad dhammeyso, iyo sababta aad u dooratay. Sidoo kale imisa bog ayaad maalin kasta kuu qorsheysan, wiiggii imisa, bishii iyo sannadkii imisa? Buugta aad akhridaa maxay ka koobanyihiin , siday qaab ahaan iskugu xidhanyihiin ama isku raac-raacayaan,

Tusaale; kuwa saynis ah, kuwo ganacsiya, kuwo riwaayaad ah, kuwo suugaan iyo dhaqan ah, kuwo siyaasad ah , oo iyaguna imisa usii kala baxa midkiiba? Sii wad… markaad sidaa u qayb qaybiso, waxaad ogaanysaa qaybaha kuugu fudud, uguna jeceshahay akhrintooda, dhakhsana aad wax uga fahanto, halkaas ayayna sirtu ku jirtaa. Kuwaas uun xoogga saar, waqtiga ugu badanna iyaga akhri, adoon kuwa kalana ka tageyn. “Dhammaan waa aqoon, aqoontuna ma kala wanaagsanaa ee waa lagu kala wanaagsanaadaa, dooro ta aad is leedahay waad ugu wanaagsanaan kartaa”.

Markaad akhrisku caado ka dhigato, nidaamna u samyeyso, waa meesha ugu fudud, ee aad iska dhex heli karto, waxa ay hibadaadu tahay, isla markaanna aad ka heli karto jawaabaha su'aalo badan, oo aad si gaar ah u daneenaysay.

2. Is-dirka iyo ka qayb qaadashada hawlaha guud. Hawlahaasoo laga yaabo in ay ka socdaan, iskuullada, jaamacadaha, masaajidda, ururada iyo haayadaha gaarka ah ee aan dawliga ahayn, sama-fallada , gurmadka…iwm. laba ujeeddaba way kugu dirqin arrimahan, iyadoo waliba dhaqaale aanuu kaasoo galayn: midda hore, Ajar ayaad ka heli, markaad u niyaysato, marka xigtana waa meelaha qofku iska helo, kuna ogaado hibadiisa, sida aad kolba meelahaa ugu dhex jirto, wuxuunbaad is arki, adigoo meelaha qaar si gaar aheeneed u jeclaysanaya kasii mid ahaanshaheeda.

"labadan qodob ee horaba, akhriska iyo is-dirku, waxay kor u qaadaan hal abuurka iyo waayo-aragnimada qofka, taasaana hibada ka dhigaysa mid toolmoon".

3. Barashada Nafta iyo Daaqadda joohari: Talaabada saddexadaad ee aad ku ogaan karto , hibooyinkaaga gaarka ah, waxa weeyay qaaciidadad daaqadda joohari (johari window). Waa hab ka mid ah siyaabaha qofku isku baran karo. In aad is barataa, waa tallaabo ka mid ah sida aad ku heli karto hibooyinkaaga. Waxaana loogu magac daray labada qof ee fikraddan iska lahaa oo lakala odhan jiray “joseph iyo Harrington ”

Si fudud, oo kooban qaaciidadu waa sidan:

> Waxa jira wax adiga kaa mid ah, oo aanaad ogayn, laakiin dad og ay jiraan.

> Waxa kale, oo jira wax Alle (swt) sokadii, adiga mooyee, cid kale kula ogayn.

> Sidoo kale waxa jira, wax adna aad isku taqaan, dad kalana kula yaqaan.

> Ugu dambeyn, waxa jira, wax adiga iyo dad kale toona, aydaan wali ogeyn!!

Ta u horeysa, ka wareyso noloshaada, dadkaa aad is leedahay wax aanaad iska aqoon ayay kaa yaqaanaan. Gaar ahaan kuwa aadka kuugu dhow sida: Ehel, lammaane, saaxiib , macallin iyo qof kasta oo aad is leedahay wax badan waa kaa bartay. Kana taxaddir, cidda aad noloshaada wax ka weydiinayso, waa in uu yahay ruux aad wanaag ku ogtay, kuna kalsoontahay, kuuna nasteexeenaya, oo aan jar kaa tuurayn. Kuna war gali in aanaad ka cadhooneyn wixii laguu sheego, mujaamilada aan runta ahaynna ku anfacayn, ee uu kuu iftiimiyo kaliya xaqiiqooyinka kaa qarsoon ee qofkani kugu ogyahay, qadhaadh iyo macaan midday yihiinba…

Waxaad adigu isku ogtahay kaligaa iyo ta ay dadkuna kula ogyihiin; dib ugu laabo, waxna kala soo dhex bax tagtadaadii iyo joogtadaada, u fiirso waa noloshaadii, si fiicin u akhriso bogag laga yaabo in aad boobsiisay, ama kama’ kugu dhaafay ayaa jira, qof walba wax badan ayuu ka yaqaan noloshiisa muuqata iyo sirihiisa gaarka ahba, naftaada uun daacad u ahow, una run sheeg. Guumeysi midda ugu xun waa midda uu qofku naftiisa ku hayo, sidaa daraaddeed ayaa halgan midka ugu sarreeyaa u yahay ta nafta ku aaddan. Is xoree, oo run isku sheeg, caqabad adiga gudahaaga ka wayn, oo kaa hor taagan wax kasta oo wanaagsan, ood sameyn lahayd ma jirto...

Waxa aanaad adna iska aqoon, dad kalana kugu aqoon, ku noqo labadii tallaabo ee hore (Qaybta 1aad ee qormada,qaybtan hadda iyo qaybaha soo socda; maaha se wax aad hal mar la wada heli karo, inta aad awooddo uun. Waxa aad adduunka ka tagaysaa, adigoo wali jaahil noloshaada wax badan ka ah. Dadku se waxay isku dhaafeen, qofba inta uu naftiisa ka yaqaan, iyo tayadeeda siduu ka yeelo..

“Barashada naftaadu, waa bilawga hellidda hiboooyinkaaga”

4. Qor waxaad ku wanaagsantay, oo dhan. Tallaabada afaraad waa, in aad taxdo waxyaabahaad is leedahay waad ku fiicantahay, tusaale; farsmooyinka gacanta sida dhismaha, hagaajinta qalabyada dabka ku shaqeeya (electronic devices), xiftinta, qurxinta, codka, ciyaaraha, qoraalka, fagaare ka hadalka, sawirrada ama nashqadaha, dad ka qoslinta iyo sheekooyinka…sii wad, hadday qaar kuwan yihiin iyo haddii aysan halkan ku jirinba; tax illaa aad ka dhammeynayso inta aad garanayso, shan , lix sideed, labaatan…Ka dib la fadhiiso meel habboon, adoo ku jira maskax ahaan iyo jidh ahaan xaalad deggan, arrimahaas aad qortayna mid mid u dul istaag.

Sifooyin dhawr ah midka isku darsada, ayaa wuxuu noqonayaa, bi'idnilaah hibadaada gaarka ah, inta soo hadhayna, waa uun xirfado, ama aqoon aad baratay ee maaha hibooyin. Waxaana jira dhawr iyo toban sifo, oo aad ku kala garan karto waxan aad ku fiicantahay ma xirfado iyo aqoon aad barataybaa misa waa hibooyin; waxanse halkan idinkula wadaagi doonaa laba ka mid ah:

B. Ta hore waa, inaad caashaqsantay, kuna raaxeysato qabashada hawshaas. Haddii uu yahay wax aad u qabanyso maslxaad ama sabab gaar ah, sida dhaqaale, caannimo iyo ku dayasho, oo aanuu ahayn wax aad jeceshay , maaha hibo gaar ah, haddii se sababta ugu weyn ee aad ugu hawlantay ay tahay jacayl aad u qabto, oo xataa haddii aad shaqo kale hayso ama wax kale barato, oo ka duwan waxaas, haddana waqtiyada firaaqada, kaliya aad jeceshay qabashada hawshaas Jacayl aad u qabto darteed. Sidoo kale markaad ku hawlantahay haddii aad ku ku sugnayd cadho, murugo, caajis, waad hilmaamaysaa, farxad iyo fudueyd ayaanaa kuu beddelaya.

T. Waxaad hibada u leedahay, aqoonteedu waxay timaaddaa ka dib markaad hir galiso qabashadiisa. Xirfaddu se waxay kaga duwantahay, ka hor intaanaad sameyn waa in aad aqoonteeda barataa. Tusaale, haddii dhismaha hibo gaar ah aad u leedahay, adoon jaamacad iyo iskuul u tagin, ayaad baran kartaa, haddii muddo lagu tuso sida wax loo dhiso. Haddii se aanaad hibo u lahayn, way adagtay in aad hawl yaraantaas ku barato, illaa aad iskuul u tagto, gacan ahaanna laguu baro, markaas ayaad isku dayi kartaa.

Fiiro gaar ah, Haddii markii aad taxday ay kuusoo baxeen laba waxyaabood oo isku si aad ugu wanaagsantahay, isla markaana leh sifooyinkan labada ah, waxa suurta gal ah in ay hal hibo uun isku yihiin, laakiin adiga ayay tahay in aad is waafajiso. Tusaale, haddii dhismaha iyo sawrrida aad jeceshahay, hibadaadu waxay noqon kartaa Nashqadeeye farsameed (Designe engineer) .

5. Rafiiqa, ku xidhnaanta iyo ku dayashada: Tallaabada shanaad waa doorashada saaxiibbada, lammaanaha iyo sameysashada dad nolosha tusaale kuugu noqda. Cidda aad nolosha la rafiiqaysaa, saameyn ayay ku yeelanaysaa garashada, hirgalinta iyo hanashada hibooyinka iyo himilooyinka aad qorsheyso. Midna ogsoonow hal qof nolosha idil ahaanteed ha u daba fadhiisan, haddii aanuu qofkaasi ahayn Nabi muxammad(scw), isaga ayuu Alle ina faray in aynu ku dayanno, guud ahaanna nolosha tusaale inoogu ah. Dadka kale se waa in ay kala duwanaadaan, adoo qofba wax uga tusaale qaadanaya, gaar ahaan dadka sabenka kula nool ama soo dhawaaday ee aad nolosha adduunyo ee maanta aad rabto in aad kaga dayato. Mar walba waxa jira dad kaaga horreeyay iyo kuwa imaka ku hawlan wax kasta oo wanaagsan oo aad damacdo hiigsashadeeda , markaa muhiimaddu waa in aad talo iyo dhiirri galin aad ka hesho. Haddii ay jiraan buugaag, koorsooyin, muxaadirooyin iyo tabobbarro ay bixiyaan dadkaas, ka faa’iideyso si toos ah iyo si aan toos ahaynba .

Gebagabo,

Ugu dambeyntii waa in aad ogsoonaataa, kaliya ogaanshaha hibooyinkaaga in aysan kugu filnayn. Waxa jira boqolaal iy kumannaan qof , oo leh hibooyin cajiib ah, walibana hibooyinkooda ogsoon, dadkuna ku yaqaaniin, haddana aan ka faa’iideysan, kuwaasoo laga yaabo in hab fikirkoodu hooseeyo, hab dhaqankooduna liito, wax tarkooduna yaryahay. Sidaa daraaddeed, kuguma filnaa hibooyin aad ogaato, waxa ka muhiimsan kana horreeya ayaa jira; taasoo ah baraarugga iyo is-beddelka.

Adoo ka faa’iideysanaaya , tallaabooyinka hore , markaad is barato ka dib, jawaabo badan, oo nolosha ahna hesho, waa in aad xisaabtantaa, isna weydiisaa horta waxaad rabto, sababtaad u nooshahay, dadka adduunka saameeyay ee wax tarka lagu bartay maxay ku dheeryihiin, wax tar ha ii dambeeyee maxaa dhib ah een geystaa, siday tahay cibaadadayda iyo cilaaqada aan Alle (swt) la leeyahay, yaan la rafiiqaa, waalidiintayda sidaan ku ahay, aqoon maxaan leeyahay, maxaanse kaga dhaqmaa waxaan bartay, hankaygu muxuu yahay, hadafkaygu waa sidee, maxaan hiigsanayaa? Baraarug marka hore, ka dib is-beddel samee, horumari, joogtee, rabitaankaaga iyo hankaagana kor u qaad….markaas ayay hibadu ku anfacaysaa, si fiicanna kuugu muuqanaysaa, macnana kuu sameenaysaa....

>>>Mahahdsanid, siina wadaaji, si walaalo kalana uga faa'iidaystaan..

>>Ibraahin waaberi


 
 
 

Comments


Featured Posts
Recent Posts
Archive
Search By Tags
Follow Us
  • Facebook Basic Square
  • Twitter Basic Square
  • Google+ Basic Square

© 2023 by Strategic Consulting. Proudly created with Wix.com

bottom of page