ASTAAMAHA HOGGAAMIYAHA
- Ibrahim-waberi
- May 15, 2016
- 6 min read
Waa maxay hogaamin ; Waa kumase hoggaamiye?

Ugu horeyn haddii hoggaamiye la yidhaa taa macnaheedu maaha in laga hadlaayo mid siyaadda uun ku kooban. Hoggaamin waxa u baahan Naf, Qoys, Urur, Shirkad iyo Dal intaba.
Qormadan kooban waxaan ku yara iftiimin mawduuc aad u balaadhan oo ay adagtay in maqaal intan leeg lagu cabbiro. Anigoo dul istaagi doona uun labada su’aalood ee kor ku xusan.
Macnaha hoggaamiye ma jiro hal qeexid oo la isla meel dhigay adduunka maanta. Waxaa se hubaal ah qof wal oo is yidhaa in uunbaad wax ka fahantayba, sida ay la noqoto inuu u dhigo; iyadoon laga tagahayn ujeedka guud in uu isku mid yahay. Baaxadda mawduuca waxaad ka ogaanaysaa inta baadhitaan ee laga sameeyay iyo inta buug ee laga qoray. Nasiib darro se afkeenna hooyo aadbuu ugu yarhay. Inta aan anigu ka war qabana Buugga Siciid Shire ayaa ka mid ah, waana buug mudan in la akhriyo, waxna laga korodhsado. Waxaanse hadda kaga kaaftoomaynaa qeexidda aan is leeyay way ugu dhawdahay, uguna caansantay;Taasoo ah “Waa awoodda loogu dhaqaajiyo dadka dhinaca himmilooyinka”. Taas oo ina tusaysa xidhiidhka ka dhaxeeya hadafka iyo hoggaamiyaha. Shaqada ugu muhiimsan ee hoggaamiye hayaa waa in uu dajiyo hiraal cad oo ku habboon goortaa iyo goobtaa uu joogo, ka dibna cidda uu hoggaaminaayo uu u jiheeyo hiraalkaa, kana shaqeeyo sidii loo xaqiijin lahaa.
Astaamaha hoggaamiye lagu garto waa kuwo aad u tira badan. Tusaale ahaan buugga uu qoray Shire kaligii waxaad ka dhex helaysaa ku dhawaad 40 tilmaamood oo hoggaamiyuhu leeyahay. Meel kuma wada xusnaa, ee siyaabo kala duwan ayay buugga ugu dhigan yihiin. Intaynaan sheegin qaar ka mid ah astaamahaas waxa is weydiin mudan suurta gal ma tahay qof aan xil qaban in lagu tilmaamo hoggaamiye. Goormaa se la odhan karaa qofkaasi waa hoggaamiye ama hoggaamiye ma ahaa?.
Waxa dhici karta in aad la kulanto qof leh qaar ka mid ah tilmaamaha hoggaamiyaha. Odhan maysid qofkaasi waa hoggaamiye, waxaadse odhan kartaa qofkaasi wuxuu leeyahay waxyaaba ka mid ah calaamadaha hoggaamiyaha. Laakiin qofka aqoonta hoggaamiye leh waa suurta gal isagu in uu isku maleeyo in uu yahay hoggaamiye; sababtoo ah waa arrin la xidhiidha jiritaankiisii oo dhan laga soo bilaabo carruurnimadiisii illaa hadda ayuu ka qiyaas qaadan karaa. Ka dib wuxuu isku eegayaa saddex arrimood:
1. Aqoonta uu u leeyahay hoggaaminta,
2. Waxa uu ka arkay hoggaamiyayaasha kale, iyo
3. Ta uu isagu la noolaa muddadaa dheer.
Intaas oo arrimood marka uu isku eego ayuu ogaan karaa inuu hoggaamiye noqon karo iyo in kale. Adigu se waxaanaad u tilmaami Karin saddexdaas shuruudood kuuma dhamaystirnaa. Waxa aad qiimeyn kartaa waa waxa ay indhahaaga iyo dhagahaagu waqtigaa la joogo ay qaban karaan oo kaliya.
Inkastoo lagu kala aragti duwanyahay daraasadaha sheega hoggaaminta in loo dhasho iyo in baran karo; Sida xoogga badan se waa in labaduba ay jiraan:
1. Qayb loo dhasho, iyo
2. Qayb la kasbado : laguna helo“ khibrad iyo barasho”
Nabi maxamed –calyshi salaatu wa salaam- waxaa u yimid asxaabigii la odhan jiray “ Abu Dar Al-Qafaari” Alle raali ha ka noqdee. Wuxuu ku yidhi wax aan hogaamiyo ii dhiib. Wuxuu ku yidhi maya adigu xataa laba qof haddaa tihiin ha noqon ka wax hoggaamiya. Sidiibayna u dhacday oo waxa la sheegay in Asxaabigaasi uu geeriyooday isagoo wax mansab ah aan qaban. Halka saxaabadii iyo taabicadii kale qaarkood illaa yaraantoodii ay xilal qabanaayeen, iyagoo iskugu jiray kuwa magaalooyin maamulay, kuwo islaamkaoo dhan hoggaamiyay, kuwo ciidanka looga dambeyn jiray. Waxaana ka mid ahaa “Cumar Binu Khadaab, Khaalid Binu waliid, Caamir ibnu caas, Cumar Binu Cabdi Caziiz iyo kuwa kale oo badan”.
Dr Suweydaan, ayaa aad u adeegsada qaaciido la yidhaa “Bell distribution” Taas oo sheegaysa boqollayda hoggaamiya nimada, oo u dhigan sida tan "1% dadka way u dhashana hoggaamiya-nimada;1% uma dhashaan lamana bari karo oo ma kasban karaan haddii ay isku dayaan in ay noqdaan hoggaamiye. Inta u dhaxaysaa labadaa tiro waa ay kasban karaan hoggaamiya-nimada". Hoggaamiyayaasha kuwooda ugu wanaagsan, inta badan waa kuwa u dhashay hoggaamiya-nimada kuna darsaday in ay bartaan. Taas macnaheedu maaha qof aan u dhalan hoggaamiye wanaagsan ma noqon karo, waxayse ku xidhantahay sida uu u barto iyo dadaalkuu ku bixiyo. Markaa laba mid ayay noqonaysaa inuu noqdo qof aan lahayn awooddii barasha hoggaamiya-nimada iyo in uu yeesho. Ta hore faraha ayuu ka qaadayaa wuxuuna raadsanayaa waxa Alle isaga gaar u siiyay iyo hibadiisa. Ta dambe haddii ay noqoto wuu sii wadi karayaa. Waxaana tijaabadaa lagusoo kala ogaadaa intaan la isla iman garoonka siyaasadda; tusaale hadday tahay dal in la hoggaamiyo.
Goormaa la odhan karaa qofkaasi waa Hoggaamiye?
Hoggaamiye cid kasta way noqon kartaa. Laakiin ta aynu u jeedno oo ah hoggaamiye wanaagsan laba shardi ayuu qofku ku mutaysanayaa in la yidhaa waa hoggaamiye:
1. In uu leeyahay astaan hoggaamiye.
Suurta gal maaha in aad wada hesho dhammaan astaamaha loo baahnaa laakiin waa in ay jiri karaan kuwo muuqda oo dadku wada arki karaan. iyo 2. In la tijaabiyay.
Tan dambe ayaana u dhaw in aad ku kala ogaan karto hoggaamiyaha dhabta ah iyo ka kale. Waxa dhici karta in aad is lahayd qofkaasi wuxuu leeyahay tilmaamo hoggaamiyeed. Laakiin markii dhabtu timid ee loo dhiibay masuuliyad aad ku hungowday. Ka soo hor jeedkuna waa sidoo kale.
Tusaale: waxaad arkaysaa marar badan qof hadal macaan oo la yidhi waa hoggaamiye. Sababtoo ah waa Af-tahan oo dadka si fiican ayuu u la hadlaa. Haa waa dhab fagaara ka hadalka wanaagsani waa qayb ka mid ah astaamaha hoggaamiya-nimada laakiin qodobkaasi kaligii kama dhigaayo in uu yahay hoggaamiye. Waayo waxa suurta gal ah in kuwa kale oo ka muhiimsan aanuu lahayn qofkaasi.
Waxa aynu nolasha usoo joognay wax badan dad leh muuqaal hoggaamiye. Haddana ku darsaday khibrad iyo waaya aragnimo muddo dheer ah, oo markii ay jagada yimaadeen waxba hoggaamin kari waayay. Sidoo kale waxa nolasha aynu ku haynaa dad leh sifooyinkii hoggaamiya nimada, laakiin aan wax badan la saadaalin in ay yihiin hoggaamiye yaal wanaagsan. Markay xilkii ama masuuliyaddii qabteenna si fiican wax u hoggaamiyay. Taasi waxa ay ku tusaysaa hoggaamiyuhu in uu isagu suuqa is keeno, dadkana uu is baro. Markaas ayuunbuu dhamaystiray in uu qaato magacaas ama uu noqdo hoggaamiye u eeke.
Sida aynu halka hore kusoo sheegnay wey badanyihiin astaamaha hoggaamiye wanaagsan yeelan karo. Aynu soo qaadano afar ka mid ah. Waxa ka mid ah
ü Hiraalka;
ü Daacadnimada;
ü Aftahannimada; iyo
ü Hal-abuurka.
Haddii qof uu leeyahay tilmaamaha wanaagsan ee hoggaamiyaha dhammaantood. Laakiin ay ka maqanyihiin astaamaha qaarkood. Hoggaamiya guuleystay oo wanaagsan ma noqon karo waxaana wixiiba waxba kama jiraan ka dhigtay halkaa sifo ee lagama maarmaanka ah. Waxa jira astaamo laga maarmi karo iyo kuwa la’aantood ay adagatahay in uu qof noqdo hoggaamiye guuleystay, kuna guleysta hawshii loo igmaday iyo qalbiyada dadka!!.
Astaamaha wanaagsan ee hoggaamiyaha guuleystaa leeyahay waxa ay noqonayaan laba qaybood.
1. Kuwo aasaasiya iyo
2. kuwa kaabayaal ah.
TUSAALE: Waxa ka mid ah kuwa kaabayaasha ah: Fagaara ka Hadalka: Hoggaamiyuhu waxa muhiim ah in uu yaqaan sida dadka loola hadlo. Farriimahana waa in uu si wax ku ool ah dadka u gaadhsiin karaa. Dhinaca siyaasadda, waxa aynu maanta ku haynaa dad badan oo khudbadahoodu aad u cajiib ahaayeen. Laakiin hoggaamintooda kale ay liidato. Sababtoo ah khudbadaha quruxda badan waa loo soo diyaarin karaa hoggaamiyaha, sidaa daraadeed waa arrin muhiim ah hadalka iyo aftahannimadu, laakiin dadku waxa ay ka jecelyihiin waxa la qabto ee muuqda. Soomaaliduna waxa ay tidhaa waxa ay indha jaraan ayay ilka gooyaan.
Hal abuurka: waxa dhici karta hoggaamiyuhu in aanuu lahayn hal abuur badan. Waana qodob kaabaya hoggaamiya-nimada oo haddii la helo ka dhigaysa mid heer sare ah. Haddii se aanu lahayn hoggaamiyuhu waa in uu ka dhex helaa kooxda ay wada shaqeenayaan dad hal-abuur leh. Hoggaamiyaha wanaagsan wuxuu yaqaan sida looga faa’iideysto hibooyinka iyo hal-abuurka shaqaalaha ama kooxdiisa ay wada shaqeyntu ka dhaxeyso.
Waxa ka mid ah kuwa aasaasiga ah Hiraalka: Hiraalku waa waxyaabaha hadda adduunyada casriga ah la ogaaday in ay tahay sirta koobaad ee sababta guusha hoggaamiye, hadduu yahay mid hore iyo hadduu yahay kuwa maanta intaba. In kastoo hiraalku yahay midda ugu mudan, laakiin nasiib wanaag waa la baran karaa waana la kobcin karaa. Qofku ma soo dhasho isagoo hiraal leh. Laakiin marka uu barto ka dib ayuu kolba meesha iyo waqtiga uu joogo dajiyaa mid ku habboon. Isagoo isagu marka u horeysa naftiisa u sameeya Himmilooyin uu ku gaadho hiraallo dhaw iyo kuwo fog intaba.
Dacadnimada: Gaar ahaan umadda muslimka ah, waa waxa ugu horeeye ee qof lagu doorto intaan la ogaan sifooyinkiisa kale. Qiyamka wanaagsan waxa ka mid ah: runta, ammaanada, akhlaaqda, qofku in aanu lahayn balwadaha taban iwm. Badankoodu waa ay isa saameeyaan. Haddii mid meesha ka baxana qiyamakii wanaagsana wuu dheelliyaa.tusaale, Qof kasta oo akhlaaq leh waa aamin. Sababtoo ah akhlaaqda aan aamin ka dhigin akhlaaq maaaha. waa astaanta ay ka sinnaayeen dhammaan Anbiyadu “cs”.
Hoggaamiye wuxuu guuleystay marka uu hanto qalbiyada dadka ugu horeyn, ka dibna hawsha loo igmaday. Wuxuu ku kasbanayaa qalbiyada; Judhiiba Waxa ay dadku jeclaysanayaan, soona jiidanaya jidkuu u maraayo guusha iyo sida uu ugu jiheeyo kolba hiraalka.....
Comments