Trainings and Activities
Waxa ka mid ah Tabo-barrada iyo hawl-qabadyada joogtada ah ee aynu ku wadaagi doonno degalkan iyo goobaha kalaba, Kuwan hoos ku xusan. kuwaas oo aynu siyaabo kala duwan ugu kulmi doonno sida "Aqoon is weydaarsi, Tababbarro iyo Qormooyinba". Soo dhawoow lana wadaag qof kastood la jeclaan lahayd.
​
KU MAHADSANID BOOKHASHADA :)
​
Casharro iyo la talin ku saabsan arrimaha guurka iyo qoyska.
Qoysku waa seeska bulshada iyo umadaha guud ahaan. Qoysaska oo inoo hagaagaa waa bilawga is beddel iyo horumar kasta.
​
Guurku waa gaashaanka fisiqa, waana mid ka mid ah ilaha ugu mudan ee xasilloonida. Waa barakada iyo badhaadhaha qof gaadho. Diinta ruuxa muslimka ahna waa ka badh.
SIRAHA fARXADDA GUURKA
(Marriage consulting )
Hoggaanku waa hagaha umad, qaran, qoys iyo qofba. Naftaa u baahan hoggaan, Qoyskaa u baahan, qarankaa u baahan, adduunka u baahan hoggaan.
Xumaha iyo wanaagguba waxay leeyihiin hoggaamiye xeel dheeri u leh xirfadda hoggaaminta. Waxaynu u baahannay waa hoggaamiye togan oo inoo horseeda dhanka wanaagsan, kaasoo inna gaadhsiiya horumar dhan kasta ah.
​
​
Hoggaan
(Leadership)
Hoggaan sahan ah, hoggaan yool qeexa, hoggaan hal-abuur leh, hoggaan saameyn leh, hoggaan raad reeba.
Qof kali ku maarmaa ma jiro. Alle uunbay kalinimo gooni u tahay. Dadka nolashoodu way isku tiirsantahay. sidoo kale waxaan kala maarmin abuurka Alle oo idil, noolaha ayaan ma noolaha ka maarmin, dadka ayaan deegaanta iyo noolaha kale ka maarmin.
Sidaa daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in aynu naqaan sida ugu wanaagsan ee aynu u dhawri lahayn xidhiidhada dhexdeena inaga dhexeeya iyo kuwa aynu noolaha kale la leenahayba.
Diploma
In human development
​
Islamic
NLP
Wax badan ayaynu helnay macalimiin casharro ina bara. Maanta waxa la gaadhay xilligii aynu heli lahayn tobabarayaal. tobabarayaashaasi waxay noqon karaan, isla macalimiintii oo xirafaddii dhigista ku darsaday mid tobabareed. Sidoo kale xirfadda tobabaridda waxa aynu u adeegsan doonaa dhammaan shaqooyinkeenna kale oo idil; mid ganacsi, mid siyaadaeed iyo mid aqooneed intaba. si kasta oo aad u adeegsan lahaydba, waxa lagama