QAADKU WAA DOORSHE!
- Ibrahim-waberi
- Jan 27, 2017
- 3 min read
Waan mirqaamaynaa, uunbay ku macneeyeene; Maqanaha joogaad tahay, markaad qayishoo….Marxaladdani waa sidii, adigoon maskax lahayn, oo kala garan la’ maalin iyo habeen mid ay tahay. Mugdi iyo caddaan, maseynaaya midabbada; mawjadaha garashaduna, meel kale ay aadeeen...... "

Qur’aanka waxa toos magaciisa loogu sheegay waa Khamri. Kalmadda khamrina haddii laga eego dhanka luuqada Carabiga, waxay ka timid “khimaar”, khimaarna waxa lagu yaqaan in uu yahay wax dade ama qariye. Markaa waa kii caqliga dadaayay. Kalmad kalana waxa ay ahayd “Khaamara” oo iyana ah ku darsame, oo waa kii caqliga ku darsamaayay ama doorinaayay oo kale. Sidaa daraaddeed, Khamri waa qabiil guud oo bahda maandooriyuhu wadaago ee maaha kan la cabbo ee uu ku caan baxay oo kaliya. Si kale Khamrigu waa wax kasta oo maanka dooriya ama beddela. Haddaynu ka eegno dhanka diintana, waxa jira xadiis shariif ah oo Nabiga (scw) lagasoo wariyay, kaasoo ah “Wax kasta oo lagu saqraamaa waa khamri, khamriguna waa xaaraan”.
Qaadka inta badan Soomaalidu ma tidhaa waan ku saqraannaa, ee waxay dhahaan waan ku marqaannaa. Marqaankaasina waa nooc saqradda ka mid ah, laakiin badnidiisa iyo yaraantiisu ay ku xidhantahay kolba nooca qaadka iyo xaddiga laga cunay, oo dadka qaar wuxuu gaadhsiiyaa in ay hadallo is dhaaf ah ku hadlaan. Waxa kale oo uu beddelaa guud ahaan hab dhaqanka qofka. Hab dhaqanka qofkuna isma beddelo ilaa qofka maskaxdiisa wax iska beddelaan mooyaane. Anna waxaan ku sifeeyay marqaanku in uu yahay: "Marxaladdani waa sidii, adigoon maskax lahayn, oo kala garan la’ maalin iyo habeen mid ay tahay. Mugdi iyo caddaan, maseynaaya midabbada; mawjadaha garashaduna, meel kale ay aadeeen. Waan mirqaamaynaa, uunbay ku macneeyeene; Maqanaha joogaad tahay, markaad qayisho…."
Qaadku maan doorshe kaliya maaha ee waa nolol dooriye, oo waa: Miyir dooriye….Maal dooriye…Magac dooriye…Mood dooriye…Macno dooriye…Milgo dooriye….Maalmo dooriye…Maqaar dooriye…Macaan dooriye iyo Maamuus dooriye….Imisa qof oo aad taqaannay iyagoo wax badan haysta ayaa qaad dartii u waayay. Imisa qof ayaad taqaan oo qaadka markii ay iska daayeen helay wax badan oo ayna hore u haysan.
Muqayilku Intuu nolosha ku khamaaraayo ee uu balwadda noocana ku guda jiro, wuxuu isku maleeyaa ka dunida ugu wanaagsan, isla markaana wax walba haysta; laakiin waa khayaali saacado ah, oo ku kooban inta uu qaadka dul fadhiyo, oo kaliya, taas oo is burisa isla saacado yar ka dib, oo ah marka uu qaadku dhammaado ee uu hurddo u diyaar garoobo, wuxuuna is arkaa isagoo iska la’ dareenkii dad nimo iyo hurdo toona, isagoo ay ku adagtahay neefsashada hawada nadiifta ah, hiinraagaaya islamarkaana dhibsanaaya wax walba.
Dadka qayilaa waxa ay la kulmaan xaalado kala duwan, kuwaas oo ay inta badan ku kala duwanyihiin, ama isla qof kaliya ayaaba la kulmi kara, Tusaale ahaan; Abeteedka oo ka xidhma xilliga qaadka, marka aanu qaadka heyna inuu cuno intii hore wax ka badan. Sheeka fara badan inta hore, in yar ka dibna aamusnaan. Himmada oo ka guurta, halkay qaar kalana markaas uun wax doon doonaan. Firfircooni dheeraad ah inta hore, in yar ka dibna caajis. Isagoon seexanayn muddo dheer, marka uu seexdana aan toosayn. Si ay tahayba dhammaan waxani waxa ay ku tusayaan in qofku uu ka tagay marxaladihii caadiga ahaa isla markaana u gudbay marxalado aanu caadi ahayn; si kale waxa ku dhacay doorsoon.
Ugu dambeyntii, Qaadku waa doorshe, oo adigoo dareen lehbuu doqon kaa dhigaa, dulli aan damiir lahayn. Shaqaduu kaa dayriyaa, baryaduu kugu dirqiyaa, oo wuxuu ku baraa deynta. Ubadkana darxumuu badaa, oo guri dhisan buu dumiyaa. Dhanka kalena Qaadku waa xaaraan,oo dambi ayuu ku galiyaa; taana waxaa u daliila, maanka uu doorshiyo, wuxuu naf dilayuu, cudur aan daawo lahayn, dusha uu ka saaray. Dib u dhaca dalkeenna, iyo dawakha qabyaaladdana, isagaa ka danbeeya…Isku soo wada duuboo, Xumaha dadkeennoo idil, Isagaa dardar galiyee, ka digtoonaw waligaa.
Comentários