MAXAA LAGU KALA HORUMARAY?
- Ibrahim-waberi
- Nov 12, 2016
- 4 min read
Dadka guud ahaantii; aqoonyahan gaar ah, misa siyaasad dawladeed.

Markaynu is barbardhigno waddamada loo yaqaan yaqaan kuwa horumaray iyo kuwa kale ee loo yaqaan kuwa aan horumarin, waxa is weydiin leh, waxan kala horumaray ma dadka laftoodaa, guud ahaan, ma aqoonyahan gaar ahbaa, misa waa dawladaha iyo siyaasadahooda?
Aynu mid mid usoo qaadanno:
Dadka guud ahaan: Haddii dal Afrika ka mid ah sidaa loo dhex qaado , mid kaloo reer galbeedka ahna la dhex maro. Labadaba waxa loogu tagayaa dad faqiir ah, kuwa ladan, kuwa aqoon leh, kuwo jaahil ah, kuwo caafimaad qaba iyo kuwo bukaan ah intaba. Taasina waxay marqaati ka tahay in aan si guud dad ahaan la kala horumarsaneyn.
Aqoonyahan gaar ah : Tusaale, waxa laga yaabaa in wax ka mid ah aqoonta, shaqsi maraykan ahi heer ka gaadhay; mid kale oo ku nool Masarna, isla aqoontaas heer uu isna ka gaadhay. Ka masriga ahi wuxuu arday u ahaa oo si dadban wax uga bartay ka maraykanka ah, Illaa uu kaga wanaagsanaaday isla macallinkiisii. Laakiin macallinka aqoontiisu isaga mar walba saameyn ayay leedahay, adduunkoo dhanna waa laga ixtiraamaa. Halka Masrigan aqoontii isna heerka ka gaadhay, isaga intaa yare e dalkiisa iyo inta ka ag dhaw mooyaane meel fog aanuu gaadhin, waliba hadduu dalkiisa si fiican u gaadhay waa dadaalay wax badan. Arrintan kalana waxay marqaati u tahay in aanaay shaqsiyaad kali ah, oo wax bartay, wax kala horumrin. Laakiin shaqsiyaadka iyaga laf ahaantooda la kala hor mariyay. yaa kala horumaray, waa su'aal kale?
Siyaadda dawladda: Tan ayaa u dhaw in ay qayb muhiim ah ka qaadato, laakiin iyadana lama odhan karo kaligeed ayaa ku filnaata. Sida ay siyaasaddu uga qaato door muhiim ah, intaynaan sheegin aynu si kale u dhigno. Saddex arrimood aynu is dul taagno, oo kala ah:
Dadaal shaqsi, Nidaam iyo fursad.
Dadaalka shaqsiga ah: Dadaalka shaqsigu wax qabad ayuu noqon karaa, xirfad gaar ah ayuu noqon karaa, is kaashina waa noqon karaa. Dadaalkani waa mid meel kasta yaal, oo aan ku xidhanyn dal gaar ah, siyaasad iyo horumar toonna. Waxa kaliya oo lagu kasbadaa in la helo qof; qofkaas oo leh hadaf si fiican ugu muuqda; hadafkaas oo uu ku gaadho rabitaan xoog ah, oo markaa uu u qabo sidii uu uga midha dhalin lahaa.
Fursad: Fursaddu Iyana waa mid meel kasta taal, waa laga yaabaa in dhinac haddii laga eego, ayba ku badan karto dalalka aan horumarin. Sababtoo ah iyagu wali waa dihan-yihiin, khayraadkoodana wax badan lama adeegsan.
Waxa kaliya oo loo baahanyay waa rajadii, samirkii iyo kartidii uu qofku ku heli lahaa.

Nidaam dawladeed: Kan weeyaan waxa had iyo jeer kulmiya in badan oo ka mid ah dadaalka shaqsiga ah iyo fursadaha tira beelay ee meel kasta yaal. Nidaamku waa ilays oo kale. Wuxu tusaya qofkii dadaalka badnaa Meesha uu kusoo ban dhigi karo kuna suuq geyn karo hal-abuurkiisa iyo wax soo saarkiisa. Sidoo kale nidaamku waxa uu ka nadiifinayaa qodxaanta iyo caqabadaha buux dhaafiyay jidka u dhaxeeya shaqsiga iyo fursadaha. Wakaa doorka siyaadda dawladda ee anyu kor kusoo xusnay in ay qayb muhiim ah ka qaadato kala horumarka.
Waana sababta aynu u aragno in badan qof hal-abuur leh, dadaal bandanna sameeyay oo intuu waddamadaa la yidhi may horumarin ka haajiray , u hayaama kuwa horumaray, si ay ula doontaan dadaalkoodii shaqsiga ahaa, nidaamka halkaas yaal. Waayo waxaynu soo sheegnay in fursadahu iyagu meel walba yaalliin. Tusaale ahaan haddaynu laba qof ka tilmaanno, midi waa Axmed Suweyl (AHUN) oo Masri ahaa, Haystayna intii dambe dhalasho maraykanna , kuna guulaystay abaalmarinnta caalimaga ah ee loo yaqaan “Nobel peace price” . Mid kalana waa Nuuradaiin Farah, oo isna ah Soomaali, kaasoo muddaba haystay dhalasho reer galbeeda, kaasoo isna ah qoraa Afrika iyo guud ahaan adduunkaba caan ka ah.
Markale haddaynu is weydiinno, maxaa xal ah, sidee shaqsigii dadaalay ee ku noolaa Tusaale Afrika , u gaadhi karaa dhiggiisa galbeed ku nool Meesha uu gaadhay. Maxaa se dal horumariya?
Waa arrin dhici karta; sababtoo ah, iyaguba waa dalalka horumaraye , waligood halkan may joogin, nidaamkanna may haysan. Waxa ay halkan kusoo gaadheen, nidaamkanna ku heleen, bilawgeedii wuxuu ahaa “DADAALKA SHAQSIGA AH”. Kaas oo aan haysan nidaamkii isagu u iftiimin lahaa fursadaha, una xaaqi lahaa dariiqa u dhaxeeya iyaga iyo fursadaha. Iyadoo sidaas ah, ayaabay haddana iyagu sameeyeen dadaal xad leh, una badheedheen inay dhex qaadaan mugdiga iyo qodxaantaba, si ay ula kulmaan, ugana soo dhex saaraan laba dhagax oo kasta dhexdooda fursadaha ku jira.

Sidaa daraaddeed, Waxa hubaal ah in uu inagu filnaan doono dadaalka shaqsiga ah, oo aynu dalkeennana kaga dhigi karno mid horumary, lana tartama adduunka intiisa kale. Ka dibna aynu gaadhi, oo dhidibada u taagi siyaasad dawladeed oo wax ku ool ah, oo iyadu markaa jiilasheenna dambe fursadaha u ileysa. Waxa kaliya oo ay arrintaasi u baahantay, qofku in uu aamino Awoodaha Rabbi ku mannaystay ee faraha badan, ka dibna isagu u adkeysto dhex qaadka caqabadaha ku gaddaaman, kana dhex dhaliyo fursadaha ku dhex duugan.
Xikmadda qormada: Horumarka shaqsi uu gaadho iyo midka dal gaadhaa waa ay isa saameeyaan. Si kale haddaynu u dhigno; shaqsi horumariyay naftiisa kuna horumarayay shaqo badan, xirfado iyo wax tar bulsheed ayaa dalna horumar gaadhsiin kara; dal horumarsanna shaqsi ayuu horumar gaadhsiin karaa. Inagu waxa aynu hadda joognaa marxaladdii aynu u baahnayn shaqsiyaad naftooda horumar gaadhsiiyay, oo dadaal badan sameeyay....
Comments