top of page
Search

WEEDHA WAQTIGA

  • Ibrahim-waberi
  • Jun 18, 2016
  • 5 min read

“Hammi ama Han sare oo aad yeelatay waxa ay sabab u noqdeen in aad hadaf dajisato. Hadafkaasina waxa uu sabab u noqday in aad waqtigaaga maareyso. Waqtigaaga oo aad maareysay ayaa ah sababta koowaad ee guushaada".

Waqtigu waa waxa ugu qaalisan ee aynu haysano waxaana la odhan karaa waaba nolasheennii. Waqti kasta oo tagaa qayb adiga kaa mid ah ayuu la tagaa, waqtigu degdeg ayuu kugu dhaafaa mana soo laabto.

Murti: Soomliduna waxay tidhaa“Waqti iyo mawjad midna kuma sugaan”. Murti kale oo soomaliyeed ayaa ahayd saddex masoo laabtaan: 1. Odhaah aad tidhi 2. Falaadh aad gantay iyo 3. Waqti kaa tagay.

Waxa aad arkaysaa marar badan dad ku andacoonaaya ama ku doodaaya waqti ma haysto, waqtigaa igu yar, mashquul ayaan ahay iyo wax la mid ah, ama qof leh markaan jaanis helo ayaan waxaa sameyn doonaa, ama qaban doonaa. Dhibku maaha in uu waqtigu ku yarhay laakiin uma nidaamsanaa waqtigu taas ayaa keenaysa in uu isku arko mashquul markasta. Markaynu sidaa leennahay waxaa suura gal ah qaarkeen in aysan wax muhiim ah hayn oo ay ku jiraan sheeko ama wax kaloo liita…

Abwaan Cismaan Yuusuf Keenadiid (AHN) ayaa yidhi:

“Aduunyda caawiyo maalin weys ciribinaayaane

Cabbaarkii yaree kaa tagaa waa cad kaa go’ane

Cimrigaan gabaabsiga noqdeye sii ciriiri-yoobey

Camalfalasho wixii aan ahayn kagama ciil beeshid”

Gacanteena ayaynu ku dilnaa oo aynu ku aasnaa waqtigeenna qaaliga ah goor walba, waxa aynu ku bixinaa muddo aad u badan oo bilaa nidaam ah daawashada TV-ga, isticmaalka Internet-ka, ku hadalka Talefoonka iyo waxyaabo la mid ah…

Islaamka: Innagoo og diintu sida ay uga hadashay: Bal u fiirso siduu illaahay Qur’aankiisa ugu dhaarto qaybo ka mid ah waqtiga sida habeenka, iyo subaxa. Ilaahay wuxuu kaga hadlay Qur’aankiisa kariimka ah sida ay maalinta iyo habeenku isku bad-badalaan, siduu midna uga dhigay iftiin midna mugdi iyo ayaadkiisa in lagu cibro qaato mudan inay ka mid yihiin. Xikmadda ku jirtaa maaha inay dhayal kugu dhaafaan ee waa mid mudan in siday tahay looga faa’iideysto adduun iyo aakhiraba oo ah siduu illaahay ugu tala galay. Nidaami oo maamulo waqtigaaga kolba sida ugu haboon adoo u eegaaya nolashaada iyo arimahaaga kuu gaarka ah.

Sidoo kale weydiimaha ugu horeeya ee ruux kasta inta aanu lug qaadin la su’aali doono Qiyaamaha waxa ka mid ah: maxaad kusoo qaadatay cumrigaagii iyo dhallinyara nimadaadii. Waqtigu waa cumrigaagii. Cimrigaaguna wuxuu ka koobanyahay daqiiqadihii, saacadihii, bilihii iyo sanaddadii kusoo maray nolashaada.

Nabigeenii suubanaa ayaa xadiis shariif ah inoogu sheegay: Waxa jira laba nimco oo ay dadku badi haystaan waana “caafimaadka iyo waqtiga”.

Horumarka: Qiimaha waqtigu waa sida birta xadiidkaa oo kale; Markasta oo aad birta aad galiso juhdi iyo dadaal si aad uga dhigto mid wax tar leh, waa mar kasta oo qiimaheedu kordho! Tusaale ahaan: Biraha qaar waxaa laga dhigaa middiyo, qaar saacado, qaar waxyaabaha ay dumarku xidhaan, qaar guryaha lagu dhistaa. Qiimaha birtu wuu kordhayaa mar kastoo qaabka birta iyo wax tarkeeda la kordhiyaba. Waqtiguna waa sidaas oo kale, qiimihiisu wuxuu ku jiraa habka aad juhdi u galisid nidaamkiisa iyo maamulkiisa isla markaana aad uga faa’iideysato.

Horumarka dad sameeyaan iyo xaddaaradahoodu waxa ay ku xidhantahay kuna yimaddeen sida ay waqtiga u isticmaalaan, u maamushaan, ugana faa’iideystaan . Dib udhaca kuwa kalana waxa uu ku yimid sida ay waqtigooda u dayacaan. Qof kasta oo inaga mid ahi wuxuu haystaa 24(afar iyo labaatan) saacadood maalintii. Keena faqiirka ah, ka taajirka ah, ka faraxsan, ka murugeysan, keena yar iyo keena weyn intuba. Waxaa kaliya oo aynu ku kala duwanahay habka iyo sida aynu u isticmaalno ugana faa’iideysanno waqtigeenna qaaliga ah.

Tusaale: Maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin socoto ah ayaa arkay nin xaaboole ah oo shaqadiisii xaabo gurida ku jira oo geed saaran. Ninka xaaboolaha ah gudinta uu geedka xaabada kaga goosanaaya Af ma leh ama ma lisnaa. Ninkii socotada ahaa ayaa ku yidhi “waar gudinta aad ku shaqeynayso maad iska afeysid”. Wuxuu ugu jawaabay xaaboolihii “waqti aan gudinta ku liso ama ku afeeyo ma hayo soodigan arkaaya in aan mashquul ahay”!.

Bal u fiirso sheekadan; maanta oo dhan geedkaa ayuu jaftaa ku hayaa oo wax aad xaabo ka dhigatid ka gooso ayuu is leeyahay , dadaal iyo juhdi badanna wuu galiyay. Haddana wax yar oo aan naf lahayn ayuu kala carraabaa galabtii. Haddii uu gudinta iska afeyn lahaa xaabo badan ayuu ku goosan lahaa muddo yar. Waqtigan uu leeyahay ma hayo oo mashquul ayaan ahayna wax badan ayaa usoo hadhi lahaa oo uu dano kale ku qabsado.

Sidaas oo kale Waqtigaaga oo aad habeysay waa gudintaa xaabada aad ku goosanaysay oo aad afeysay. Waqtigaaga oo aad maamushaa waa adigoo muddo yar wax badan ku qabsaday. Waqtigaaga oo aan nidaamsaneynna (bilaa nidaam ahina) waa adiga oo waqti aad u badan wax yar oo aan naf lahayn ku qabsaday amaba aan waxbaba qabsan. Wax soo saarkeenna wanaagsan ee qof ahaaneed iyo bulsho ahaaneedba wuxuu ku jiraa waqtigeenna oo aynu ka faa’iideysanno oo aynu maareynno.

Maareyn: Maareynta waqtigu waxa ay ku xidhantahay himilada iyo hiraalka aad nolasha ka leedahay. Haddii aanaad hadaf dhaw iyo mid fog toona lahay wax macna leh kuuma sameynayso in aad maamusho ama nidaamiso waqtigaaga. Marka nolashaadu nidaamsantahay yool-na aad leedahay isla markaana sidii aad u xaqiijin lahayd aad ku guda jirtid Waqtigaagu wuu wanaagsanaanayaa waxa aanaad noqonaysaa qof ka faa’iideystay. Laakiin haddii aanaad nolasha wax hadaf ah ka lahayn waxaaguna ay iska yihiin caadi iyo caado, himmiladaaduna anay dhaafsanayn cunno, hurdo iyo shaqo; way adagtay in waqtiga si fiican aad uga faa’iideysato una maareyso. Si haddaba waqtiga aad uga faa’iideysato marka hore waa in aad leedahay yool fog iyo mid dhaw intaba. Guusha iyo farxadda aad raadinaysaana waxa ay ku jiraan sida aad waqtiga u adeegsato.

Nolashu waxay i bartay: saddex xaaladood mid uun inuu waqtigu kugusoo maro:

1. Mar uu kugu yaryahay 2. Mar uu kugu badanyahay iyo 3. Mar uu Baraka badanyahay

  • Marka uu kugu yaryahay waxa aad isku deyday in aad waqtiga ka faa’ideysato . nolashana hadaf ayaad ka leedahay oo aad jeceshahay in aad xaqiijiso. Laakiin habka waqtiga aad u maamushay iyo hannaanka aad himmilada u dajisay ayay wax ka qaldanyihiin.

  • Marka uu kugu dheeryahay. Wax hadaf ah oo aad rabto in aad ka midha dhalisaa ma jiro. Sidaa daraadeed waxa aad isku dayi in uu waqtigu dhakhso kuu dhaafo oo aad lumiso.

  • Marka uu barakeysanyahay. Waxbaad hiigsanaysaa. Jidkeediina waad haysaa. Kaas oo ah Himmilo sugan iyo hammi sare oo aad yagleeshay iyo si wanaagsan oo aad u maareysay waqtigii ugana faa’iideysatay. .

Ibinu qayim: Illaahay ha u ha naxariistee ayaa waxa uu yidhi: “Waqtiga oo lumaa dhimashada ayuu ka xunyahay, sababta oo ah waqtiga kaa lumaa wuxuu kaa fogeeyaa Illaahay iyo aakhiro, dhimashadu se wuxuun bay kaa fogeyn adduunka iyo ehelka”. Isku day in aad waqti yar wax badan ku qabatid, isla markaana aad ahaatid mid aqoon badan u leh sida loo maamulo waqtiga iyo sida looga faa’ideysto labadaba.

Ugu danbeyntii: waqtigiiba hadlaaya oo leh “ilma bini aadamaw anigu waxaan ahay maalintii cusbeyd ee shaqadaada markhaatiga ka ahayd ee iga faa’iideyso maxaa yeelay dib uma soo laaban doono ilaa maalinta qiyaamah.

sidaa daraadeed; Habeenka iyo maalintu aday kuu shaqeenayaan ee ku shaqeyso. Badhkaaga ayay qaadanayaan ee adna ka qaado kana faa’iideyso.


 
 
 

Comments


Featured Posts
Recent Posts
Archive
Search By Tags
Follow Us
  • Facebook Basic Square
  • Twitter Basic Square
  • Google+ Basic Square

© 2023 by Strategic Consulting. Proudly created with Wix.com

bottom of page