top of page
Search

Waa maxay farxaddu; Maxaase kaa hor istaagi kara?

  • Ibrahim-waberi
  • Jun 12, 2016
  • 5 min read

Af soomaali ahaan Farxad eray ka xeel dheer oo sheegaya macnaha dhabta ah ee aan uga dan leenahay waxa igala habboonaaday erayga “Xasilooni” oo aan is idhi isagaa ujeeddo ahaan uga dhaw erayga Af-carabiga ah ee “Asacaada السعادة”. Sidaa darteed waxa lagama maarmaan ah in aynu qeexno si ujeeddada aynu rabnaa inoogu iftiinto…

Guud ahaan waa dareen, Saddex siyaabood oo kala duwan kugusoo mara. Taas oo ku xidhan xagga waqtiga iyo kolba muddada aad dhex mushaaxdo dareenkaas. Ka u horeeyaa waa farxad yar oo kooban uun; Ka labaad waa markaad waqti dheer hesho farxaddaas; ka u dambeeyaana waa ka kula noolaado inta ugu badan nolashaada. waana ka ugu wanaagsan.

Tusaale:

  • Mar waa raaxo uun: sida adiga oo gaajo qabay, oo cunto helay; adiga oo haraaddanaa, oo biya cabbay; adiga oo luloonaayay, oo hurdo seexday; iyo baahiya kale oo la mid ah oo dhammaantood ku eeg markaad hesho wax ku baahi tira.

  • Marna waa farxad gaaban: waa mid kaa hore kasii yara badan. Waa waxaad dareento marka aad gaadhi cusub iibsato, guri aad dhisato, shaqo aad hesho; marka aad qalin-jabiso, marka aad guursato iyo waxyaabaha la midka ah.

  • Marna waa Xasilooni joogto ah: Dareenka noocani waa markaad ku xasisho farxadda muddada ugu dheer. Amaba inta aad nooshahay. Waa mid ka xeel dheer kana waqti badan kuwii hore. Waana nooca u dambeya oo ah ta aynu u dan leenahay. Waa wax goorkasta iyo goob kasta aad haysato. waa sacaado, Waa halka ay qormadeenu u socoto iyo farxadda aynu ka hadlayno.

Waxyaabaha lagu garto in aad ku sugantahay dareenka noocan ah waxa ka mid ah: waxaad noqon qof ku qanacsan wax kasta oo uu haysto; Kuna sabra xaalad kasta oo uu ku jiro; una dul qaata dhibka, gafka iyo qaladaadka kaga imanaaya deegaanta iyo dadka ku xeeran. Waa midda kaa dhigta qof isku kalsoon. Allihii abuurtay iyo diinta islaamkana si dhab ah u aaminsan…Farxaddu waa mid ka mid ah natiijooyinka guusha. Waa waxa dhadhan iyo macno u sameeya wax kasta oo kale oo aad haysato; hadday tahay Maal, Magac iyo Mansab intaba. Kuuna suurta galiya in aad ku raaxaysato wax yar iyo waxa badan labadaba. Faqiirka aan hanti kale lahayn iyada mooyaane; wuxuu ka ayaan badan yahay taajirka xoolaha badan haytsa laakiin ka aradan farxad iyo xasillooni.

CAQABADAHA: Haddaba waxa jira waxyaabo kaa hor istaaga ama kuu diida in aad hesho, sidoo kale haddii aad heshana waxa jira waxyaaba kale oo ku seejiya farxaddii aad heshay. Waxaana ka mid ah Caqabadahaas:

1. Murugada: Inaad ka murugooto tagtada iyo wixii aad soo dhaaftay; adigoo ka ciishoonaaya am ka shalleenaya waxyaaba ay ka mid yihiin imtaxaan aad dhacday, wax kaa lumay, qof bari ku xumeeyay..iwm. Waa adigoo naftaada ku canaanta waxyaabahaas oo yidhaa maxay sidaasay iigu dhacday; haddaan sidaa sameyn lahaa sidaas may noqoteen, waxaasoo dhan waxa u sabab ah ama iigu wacan hebel ama heblaayo… sidaa daraadeed adoo tix raacaya Odhaahdii soomaaliyeed ee ahayd “wax tagay tiigsimaad ma leh”. Ogsoonow in aanaad soo celin Karin waqtigaas. laakiin waxaad heysata fursad aad imaka ku sixi karto waxaad hore u qaladay. Kagana digtoonaan kara godkaad hore ugu dhacday.

Taladu waa haddeer iyo kolba waqtigaas la joogo. Wixii tagay kaliya ha kuu noqdo macalin aad duruus ka baratay. Waxaad ka baratay dariiqooyinka lagu fashilmo taas oo hadda kuu suurta galinaysa in aad ka leexato oo aanaad mar dambe qaadin jidkii horee guuldarrada. Markaas ayaa la odhan karaa waad ka faa’iideysatay wixii aad soo dhaaftay. Waaya aragnimada iyo khibrada ugu fiicana waxa ay ka yimaadaan nolasha hore ee leh xanafta iyo tuuraha. Sidaa daraadeed fursado kusoo maray ayay ahaayeen waxaas kuula muuqda caqabadaha.

2. War-warka: Inaad ka cabsato waxa kugusoo food leh sida: Fashil, Cudur, Dhimasho, Shil

..iwm. Markaas ayaad weydaa dareenkii kaa dhigaayay qof deggan. Waxaase is weydiin mudan; haddii aynu ogaan lahayn waxa soo socda (qaa’ibka) sidee ayuu dareenkeennu noqon lahaa? . waxa hubaal ah in aynu mar kasta cabsi ku jiri lahayn. sababtoo ah waxa maqan waa laba mid uun wax togan ama kuu wanaagsan iyo wax taban ama aan kuu fiicnayn. Qalbigeenna wanaaga iyo xumaanta waxa kusoo hor dhaca xumaanta. Markaa waxaad noqon lahayd mid aan arkin inta fiican ee kaliya sii daalacda inta xun ka dibna war war ku noolaada had iyo goor. Alle –subxaana wa tacaala- wuu inaga qariyay arrimahaas, si aynaan iskugu mashquulin waxa iman doona. Waxa quseeya joogtada iyo kolba daqiiqada aad ku sugantahayna aad ku foogganaato. Wax qabso markaas ay kula gudboontahay siina qorshee timaadada, wixii dhicina Alle u daa. Laakiin khayr iyo wanaag ka filo mar kasta. Abwaan xaaji aadan afqaloocna “AHU” waa kii lahaa :

  • Saben tagay mid soo socdiyo saaka waxa jooga

  • Saddexdaa waqtibaa xaal adduun lagu sifeeyaa

  • Soo noqod ma jiro shalay wixii saadufoo dhacaye

  • Waxa saadambeetiyo berrina, waa su’aal maqane

  • Waxay taladu ku suubantahay subaxaa aad joogto …

3. Cadhada: wax aka mida sidoo kale waxyaabaha kaa hor istaaga in aad ku noolaato farxadda middeeda heerka sare ah. In aad ka cadhooto waxa kolba markaa kugu dhacaya; waa dareen qof walba uu dareemo. Waxyaaba kala duwan ayaa dhaliya, natiijooyin kala duwanna way kasoo baxaan. Waxa dhacda cadhada wixii keenay inuu wax yar ahaa; balse natiijadii ka dhalatay ay wax weyn noqoto taas oo ka tagta raad iyo xasuus lama ilaawaan ah.

Sheekadan yar ayaana inoo iftiimin: Wiil yar ayaa ahaa mid aad u cadha badan. Markuu cadhoodana dadka wuxuu kula hadli jiray kalmado aan wanaagsaneyn. Maalintii dambe ayuu aabihii ku yidhi “Aabo ma doonaysa in cadhadu kaa ba’ado”? Wiilkiiba yidhi “haa aabe”. Aabihii baa ku yidhi: “Waxaad sameysaa gidaarka beerteena ku wareegsan maalin kasta xabad musbaar ah ka tag”. Wiilkii muddo ayuu sidii sameenaayay. Bil ka dib ayuu aabihii ku yidhi: “aabe wali cadhadii igamay tagin gidaarkiina maalin walba musbaarkii waan ku taagaa…” Aabihiiba ku yidhi: “waxaad sameysaa dhammaan masaabiirtii aad ku taagtay gidaarka dib uga soo wada gur”. Wiilkii sidii ayuu sameeyay. Aabihii ayaa ku yidhi “aabe fiiri masaabiirtii gidaarkii waxa ay kaga tageen raad iyo dal daloolo. Waligoodna kama ba’aayaan. Sidaas oo kale mar kasta oo aad cadhooto dadka erayada aad ku tidhaa waxa ay ku reebayaan qalbiyadooda raadad sidaas oo kale u fool xun”.

Cadhadu inta badan waxa ay sababtaa dagdag iyo in aad qaadato go’aano qaldan; taas oo laga yaabo nolashaada ama qof kale nolashiisa in aad waxyeelo weyn ugu geysato. Ka dibna mar dambe aad ka shalleyso. Cadhada badan waxay kuu geysan kartaa waxyeellooyin caafimaad. Waxay burburisaa qosyka. Waxay kugu dirta saaxiibkaa. Waxaad ku weydaa shaqadaada.

Cadhada waxa aad kaga hor tagi kartaa dulqaad, iyo inaad masuuliyad isa saarto oo aad naftaada eersato. Haddii aad iska dareentana, si aad markaba uga hor tagto isku day in aad sameyso talaabooyinkan: baddal kolba xaaladda aad ku sugantahay haddaad taagnayd fadhiiso. Neef xoog ah sanka ka qaado ka dib afka kasoo saar si aadyar aadyar ah. Qur’aan akhriso, weysana qaado.

Nin ayaa u yimid Nabiga–calayhi salaatu wa salaam- wuxuu ku yidhi nabi Allow ii dardaaran. Nabigu wuxuu ku yidhi: “Ha cadhoonin”. Mar kale xadiis Nabiga “csw” lagasoo wariyay wuxuu ku sifeeyay cadhada inay tahay “dhuxul dab ah oo gubaysa qalbiga”. Sidaa daraadeed mar kasta oo aad cadhooto adiga ayaa naftaada wax yeelaaya ee cidna waxba ku yeeli maysid. Allana wuxuu jecelyahay kuwa wanaaga sameeya waxaana ka mid ah kuwa cadhadooda qarsada, dadkana iska cafiya….. isku soo duuboo Murugada, warwarka iyo cadhadu waxa ay ka mid yihiin cadawga ugu daran ee kaa hor istaagi kara in ay naftaadu xasilooni buuxda hesho goor kasta.....

4. Macsida: Qofka oo uu xumaado xidhiidhak uu Alle la leeyahay. Qofka uu lumiya ku kalsoonaanta rabbigii. Qofka oo la waraara kolba xaaladduu ku suganayahay, noqdana mid aan nimcooyinka ku mahad naqin, kuna sabrin dhibaatooyinka iyo imtaxaanada xagga rabbi uga yimaadda sida: nabad galyo la'aan, xanuun, faqri , ubad la'aan iyo wax la mid ah. badi macsida ka dhalata kibirka nimcooyinka Alle iyo ibtilooyinka oo lagu sabri waaya, iyaguna waa kuwo qofka ka dhigaya mid aan xasilnooneyn. xaaladdiisuna mar walba ay tahay mid laba gooraalaba dhiban markuu badhaadhaha ku jiro iyo marka kalaba.


 
 
 

Comments


Featured Posts
Recent Posts
Archive
Search By Tags
Follow Us
  • Facebook Basic Square
  • Twitter Basic Square
  • Google+ Basic Square

© 2023 by Strategic Consulting. Proudly created with Wix.com

bottom of page