DHALIISHA WAX DHAAWACDA
- Ibrahim-waberi
- May 22, 2016
- 3 min read

Horumar kastaa meel uunbuu ka bilawdaa, kacdoon hoose ama mid dadban marka uu jirana lama wada dareemo ee qaarbaa sibiq kugusoo gala. Talaabo talaabo iyo aad yar aad yar ayuunbay isku biirsadaan dadaalada kala duwani ka dibna way is gaadhaan, markaas ayuu nuurk iyo iftiinka mid walba gaarka u watay hal mar si kadis ah isku qabsadaa. Sidaas ayay umaduhu mugdiga kaga baxaan kuna taaba galaan. Tiibaa maanta inaga aad moodaa wax uso saan saan eegi in uu meel walba kasoo hillaacaayo. Laakiin waxa kaliya oo lagu kala duwanyahay waa sida loo arko iyo sida loo wajahayo. Badhkeen waxay ku hawlanyihiin daminta iyo qarinta muuqaaladaas soo ifaaya. Kuwa kalana waxa ay ku fooganyihiin sidii ay u buun buunin lahaayeen una sii oogi lahaayeen dabkaas.
Marar badan waxaad arki qof dadaal is yidhi. Barnaamij isku dayay. Urur bulsheed, Naadi ama koox wax qabad abaabulay. Fikirad keenay. Buug qoray. Maanso isku dayay iyo kuwo kale oo la mid ah. Dadkaasi baryahan dambe aadbay inoogu badanyihiin. Qaar kali kali ayay wax iskugu dayaan. Kuwa kalana koox koox. Way is bidhaansadaan, markaasbay is raadeeyaan. Mid ba mid ayuu ka dhigtaa tilmaan iyo tusaale, waanay kala dab qaataan. Tartan ayaa mararka qaar ka dhaxeeya, mararka qaarna waxbay kala korodhsadaan si dadban iyo si toos ahba.
Kolayba anigu waxaan jeclahay kuwa aan markaa la joogo iyo kuwa aan meel fog ka daalacdaba, in aan ka mid noqdo. Waan usoo hilloobaa, waan ku farxaa, waan ku diirsadaa. Kuma deg dego dhalliisha iyo qaladka arrinkaas ugubka ah ee imaka uun la yagleelay. Balse waxa kaliya oo aan ku indha doogsadaa, kuna raaxaystaa isku dayga iyo niyadda wanaagsan ee ka dambaysa iyo waliba baahida loo qabaa inta ay leegtahay.
Waxaan sidoo kale ku rajo weynahay oo aan hubaa in aad badankiinu igala mid tihiin aragtidaas.
Waxase inaga mid ah in yar oo fara ku tiris ah, una baahan in iyaga la saxo loona nasteexeeyo. Iyaga laftooduna dhibaata kale ma lahaa, oo aan ahayn soo jeedinta dhaliisha wax dhaawacda. Ugu horeyn waxa ay ishoodu qaban ogtahay meesha waxas bilawga ahi ka janjeedho ama ka liito. Waxa kale oo ay qawadaan cidda waxaas ku talaabsata. Waxa kale oo ay dhibsadaan in waxaasi dhagahooda ama indhahooda ka badbato.
Tusaala ahaan waxa ay ku tanaadaan erayo ay ka mid yihiin: qofkaasi waxaas ehel uma ahaa. Hebel maansa yahan ma aha. Qoraana ma ahee waxbuu iska malmaluuqaa. Urur iyo naadi ayay nagu wareeriyeen kuwii horaba waxba lagama hayo. IWM..
Nin wax diiday oon wadin
Wax kaluu ka door biday,
Wuxu doonayaan jirin.
Gaarriye (AHUN)
Waxa jira cudur aan u bixiyay : “Anigu waxba ma ihi mana jecli in wax la noqdo”, daawadiisuna tahay sidan “Waxba haddaan noqon waayay, waxyeelo geysan maayo”.
Dhaliisha ma diidayno, laakiin dhaliishu waa in ay noqotaa mid wax dhista ama toosisa. ee yaanay noqon mid wax dhaawacda. Wixii qaldan ee indhaheennu qabtaan ama aynu hubno ee aan ahayn kutir ku teen ama shaki uun dhankaaga ka yimid, in la saxaa waa daw. Laakiin in aad adeegsato uun eray ah kuwii horaba iyo hortaa jiraba ama wax la mid ah. Waxa ay ka dhigantahay uun in aad tahay qof is dhiibay. Alle naxariistiisa iyo in uu maalin uun is baddal iman karana ka rajo dhigay. Taasina maaha astaan ruux muslin.
Waxaan kusoo af meeray. Saddex mid ayaa inala gudboon in aynu midkood uun ahaanno. .
1. In aynu wax togan la nimaadno. Way noqon weyday.
2. in aynu taageero, iyo gacan qabad u muujino ka la yimaada. Waynu awoodi weynay.
3. in aynu ka dhawrno niyad jabka iyo hagardaamada cidda wax la timaadda.
Wixii intaa ka baxsan waa midda aan ka hadlayno oo ah in aynu wax yeelayno, niyad jabino, ku ciirsano, ku dheeldheelno qof kasta oo hal talaaba hore u qaaday. Taasina waxa ay inaga dhigaysaa “Awr ninkii lahaa dabada hayaa ma kaco”.
“dhanka togan ka eeg, dhaliishaada ka hor”
Comments