top of page

FALSAFADDA GUULEYSTAYAASHA.

  • Ibrahim-waberi
  • May 20, 2016
  • 2 min read

Falsafadda gulaystayaashu badi maaha mid ku dhisan dadaal yar ka dib gacan qabasho iyo taageero badan oo ay kala kulmeen dad kale. Laakiin waa taa kasoo hor jeedkeeda, markay is yidhaahdaan hadduunbaad figtii buurta ku dhawaateenba, isla dadka ay taageerada ka sugayeen qaarkood ayaa laad kagasoo tuura, markaas ayaaa laga yaabaa in ay dhaawac iyo niyad jab xoogganba la kulmaan.

Haddaba waa bartaa meesha ay ku kala leexdeen, dadka caadiga ah oo iyagu hore ka quusta iyo guuleystayaashu. Xanuun yar ka dib, iyagu waxay sameeyaan “boodhka ayay dib iskaga jafaan, waxay helaan xamaasaad iyo rabitaan intii hore ka xooggan, waxbay ka bartaan qaladkii ay galeen, waxayna qaadaan jid cusub oo ka gaddisan kay markii hore mareen, markaas ayay helaan natiijo ka qurux badan tii hore….”

Muddo ka dib haddii ay kasoo gudbaan tijaabadaas hore, waxay gaadhaan buurta figteeda sare, halkaas ayayna si lama filaana ugala kulmaan soo dhaweyn diirran iyo dhiiri-galinba oo ay ka helaan isla qaar ka mid ah kuwii markii hore niyad-jabinaayay. Haddaba markan diyaar waxay ula noqdaan in ay sabab u noqdaan joogteynta iyo sii socodka dadaalkaas iyo hanashadaas.

Sidaas ayay laba gooraalaba guuleystayaasha guushoodu dadka ugu xidhantahay, la’aantoodna ayna midha dhal u lahayn. Markay tabneed, awood dheeraad ah ayay siinayeen, waxayna tusayeen waddo kale oo tii hore ka dhakhso badan kana faa’iido badan. Markay togneydna, iyagaaba gacmahooda ku qaaday, oo dhulka u diiday.

Maxaa ka mid ah casharada aynu ka baran karno guuleystayaasha?

Caqabadaha kaasoo hor baxaa marnaba kama indha tiraan fursadaha ku hoos jira. Way ka dhex raadiyaan dhagaxaanta hoostoodana ha ahaatee. Sidoo kale waxay wanaajiyaan mar walba xidhiidhka iyo kalsoonida dadka kale ay la leeyihiin, waayo iyaga ayay wax ku yihiin. Ma ahaa mana noqdaan kuwo aarsada, wax xaasida, shaki badan. Ma deg-degaan ee waqtigooda ayay qaataan, marba hadduu hiraalkoodu u cadyahay, hadafkooduna qeexanyahay, kama war waraan, waqtiga ay ku qaadanayso.

Guuleystaha Muslimka ah isaga waxa u dheer intaas hore, waa mid qaayo (meesha u sareysa) ay leeyihiin hadafyadiisu, taasoo ah mar walba raalli galinta Alle (swt), waana mid ay hiraaladisu ka xeel dheeryihiin adduunka oo kaliya. Waa mid wanaajiya cilaaqada uu Rabbigii la leeyahay, taladana isaga saarta.


 
 
 

Коментарі


Featured Posts
Recent Posts
Archive
Search By Tags
Follow Us
  • Facebook Basic Square
  • Twitter Basic Square
  • Google+ Basic Square

© 2023 by Strategic Consulting. Proudly created with Wix.com

bottom of page